Tuesday, March 28th, 2017
.

XOG: Shariif Xasan iyo CC oo dhabarka isku jeediyey Kadib Guushii Jawaari

,
Published on January 11, 2017 by   ·   No Comments

Wararkii ugu dambeeyey oo aan ka helnay magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in ay kala jeensadeen Siyaasiin dhawaanahan aad iskugu dhawaa gaar ahaana Ra’iisulwasaaraha dawladda Faderaalka Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake oo u sharaxan Madaxweynaha dawladda Soomaaliya iyo Shariif Xasan Sheekh Aadan oo ah Madaxweynaha Koonfur Galbeed, rajadiisuna maanta soo dhamaatay.

Siyaasiinta ayaa kala tagey markii maanta laga guuleystay Cabdirashiid Maxamed Xidig oo si adag ay u dagaalameen CCC Sharmaake, ka dib markii ay xildhibaanada beesha Daarood si rasmi ah u diideen guddoonka baarlamaanka in ay ugu codeeyaan.

Shir xasaasi ah oo ay xalay labada siyaasi yeesheen ayay isku afgaran waayeen arrimahan, waxaana Sharmaake uu sheegay in aysan marnaba talaabadaas noqon doonin mid aan la mahdin doonin, loona baahan yahay Shariif Xasan Sheekh Aadan in uu ka laabto.

Guuldaradda maanta ku dhacday Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa ahayd mid hore loo saadalinayey, laakiin guuldaraddan waxaa codkooda ku keenay Mudanayaasha beesha Daarood oo aan dhamaantood u codeyn Cabdirashiid Maxamed Xidig.

Siyaasiintan kala Irdhoobay ayaa guuldarraddoda ka sokow, waxay kaloo lahaayeen balamo siyaasaded kuwaas oo aan la aqoon sida ay hadda u hirgalayaan, maadaama mid kamid ah uu la kulmay jabkii ugu horeyey.

.

Nagala Soo Xiriir

xogta247@gmail.com

Readers Comments (0)



WAR DAG DAG AH

WARARKII HORE

SAWIRRO: Madaxweyne Farmaajo oo caawa ka degay Magaalada Cummaan…

March 28, 2017
Madaxwaynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa caawa ka degay Garoonka diyaaradaha magaalada Cammaan ee dalka Jordan, halkaasoo uu ...

XOG DAG DAG AH: Meeqo Xildhibaan ayaa taageersan Wasiirada, Meeqo ayaana kasoo horjeeda..?

March 28, 2017
Golaha Wasiirada DF Soomaaliya ayaa la filayaa in beri oo arbaco ah la horgeeyo barlamaanka Soomaaliya,  waxaana caawa ...

WAR XIISO BADAN-DAAWO: Maxay tahay talaabada uu qaaday Ra’isilwasaare Kheyre ee Shacabka Soomaaliyeed ay aad ugu farxeen…?

March 28, 2017
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre oo uu weheliyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Yuusuf ...

DAAWO: Sir culus oo fashil ah oo laga sheegay Hanti dhowrka guud ee Soomaaliya iyo Cidii ka danbaysay Sexeexa….

March 28, 2017
Wariyaha caanka ah ee Daahir Calasow ayaa wuxuu ka sheekeeyay cida ka danbaysay sexeexa lala galay shirkada DPworld ...

DHAGAYSO: Madaxwayne Gaas oo si yaab leh uga hadlay Wasiiradda Cusub.. ?

March 28, 2017
Madaxweynaha maamulka Puntland CabdiWelli Maxamed Cali Gaas ayaa ka hadlay golaha wasiirada cusub ee xukuumada iyo qaabkii lagu ...

Arrin la ogaaday: Suurtagalnimada In Madaxweyne Farmaajo uu Dalka Ku Qabsado Awood Milatari…

March 28, 2017
Waxaa muddooyinkii ugu dambeeyay soo baxayey hadal hayn aad iyo aad u ballaaran islamarkaana ku saabsan in madaxweynaha ...

DAG DAG: Saddex qof oo ku geeriyootay Muqdisho ka dib Miino ay Aasayeen oo ku Qaraxday…

March 28, 2017
Faah-faahino dheeraad ah ayaa laga helayaa qarax Xalay saqdii dhexe ka dhacay gudaha wadada warshadaha ee magaalada Muqdisho.   Qaraxa ...

Madaxwayne Farmaajo oo Goordhow u Amba baxaya Safarkii Labaad Muddo Isbuuc ah iyo Xageebuu ku sii Wajahanyahay..?

March 28, 2017
Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa Goordhow u amba baxaya Dalka Jordan . Madaxweynaha Soomaaliya ...

Xogtii ugu dambeeyay ololaha kalsooni raadinta Xukuumada iyo Madaxweynaha oo ku biiray

March 27, 2017
Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo oo shalay gelinkii dambe dib ugu soo laabtay dalka ayaa xalay ku biiray ...

XOG: Farmaajo, Kheyre iyo gudoomoiye Jawaari oo kulan dag-dag ah uu u socdo..

March 27, 2017
Wararka aan ka heleyno Madaxtooyada Soomaaliya ayaa waxaa ay sheegayan in Hadda kulan deg deg ah oo Albaabada ...