Sunday, June 25th, 2017
.

Madaxweynaha JFS oo ka digay xasillooni darro siyaasadeed oo ka dhacda Galmudug.

Published on January 11, 2017 by   ·   No Comments

Muqdisho,10 January 2017- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka digay xasillooni darro siyaasadeed oo xiligaan ka dhacada degaanada Dowladda Gobolleedka Galmudug oo horumar ku tallaabsaday mudada uu jiro.

Madaxwwaynaha ayaa sheegay inaan xiligaan la aqbali karin khalalaase siyaasadeed ee u dhaxayeeya Xildhibanaada iyo Madaxda dowlad Gobolleedka Galmudug , iyada oo la ilaalinayo ,Habraaca Baarlamaanka Galmudug islamaraana la dhowro fasaxii uu ku jiray Baarlamaanka Galmudug iyo Dastuurka Galmudug.

Ugu dambayntii Madaxwaynaha ku baaqay in la texgaliyo daruufaha gaarka ah ee ka jira dagaanada Galmudug, sida abaaraha iyo dagaalka lagula jiro Kooxaha Nabad diidka ah.

.

Nagala Soo Xiriir

xogta247@gmail.com

Readers Comments (0)




ADS




About us: