Monday, August 21st, 2017
.

Jawiga Xarunta Golaha oo isbadalay iyo Gudiga doorashada oo awoodi waayay inay Natiijada ku dhawaaqaan

Published on January 11, 2017 by   ·   No Comments

Waxaa Goordhow lasoo gaba gabeeyay doorashada gudoomiyaha barlamaanka Soomaaliya, taas oo mudo labo saac iyo bar ah qaadatay.
Xildhibaanada ayaa si habsami leh udhiibtay codadkooda iyadoo ay xubno ka socda beesha caalamka ay doorashadaas goob joog ku ahaayeen.

Jawiga ayaa isbadalay kadib markii Jawaari uu helay codadkii loo baahnaa in lagu soo baxo kaas oo ahaa 130 cod, waxaase uu helay 142 cod oo 12 cod ka badan codadkii loo baahnaa.
Musharax CabdiRashiid Xidig oo soo galay kaalinta labaad ayaa isna helay 98 cod, taas oo aad ugu dhawayd musharaxii ka horeeyay.

Gudiga doorashada ayaa ku guuldareystay iney xakameeyaan xildhibaanada oo buuq iyo sawaxan xoogan bilaabay markii Jawaari uu gaaray codadkii loo baahnaa.
Si kastaba, ilaa haatan gudiga ayaa ku dhiiran waayay iney ku dhawaaqaan cod tirintii rasmiga ahaa ee la sameeyay natiijadooda.

.

Nagala Soo Xiriir

xogta247@gmail.com

Readers Comments (0)




ADS





LIKE US ON FACEBOOK