Tuesday, February 28th, 2017
.

DHAGEYSO WAREYSI MURUGO LEH: Nin Naag Uu Furay Oo Uur Lahayd Mindi Ku Dilay Gobolka…

Published on January 10, 2017 by   ·   No Comments

Waxaa Deegaanka lagu magacaabo Garas Bintoow Ee Gobolka Shabellaha Dhexe Xalay Sagaalkii Saac ka dhacday Arin dadku ka argagaxeen markii ay saaka maqleen.

Nin dhalinyaro ah ayaa Haweeneey uu furay Labo Cunugna hore ugu dhashay waxa uu Tooreey ku dilay Xalay iyadoo Gurigeeda kusugneyd islamarkaana isaga uu mindi isla dhacay balse dhaawac Halis ah uu noqday.

Haweeneydaasi oo ninkaasi markii uu furay nin kale guursatay ayaa Xaamilo aheyd oo ninka hadda qabay ay cunug caloosha ugu siday taasi oo dadkuna la yaabeen waxa sababay dilkaasi.

Asli Qaasim ayaa waxa meydkeeda lagu Aasay isla Garas Bintoow iyadoo dhaawaca Ninkii dilay hadda la daweenayo hase ahaatee uu dalbaday in la dhameystiro dunidana ay wax faa’ido ah ulaheyn.

Waxa lagu tilmaamay Falkaasi inuu salka ku hayo Maseer iyadoo Nin Maseeray wax ka xun aysan jirin sida la sheegayo.

Halkan riix oo Dhagayso codka

Madaxwayne C/wali Gaas Oo Ku Sugan Qandala Go’aan culus uga dhawaqay..(ogow go’aanka)

 

madaxweynaha puntland Ayaa Ku Sugan Dagmada Qandala Ee gobolka Bari Halkaasi Oo Dhawaan Ciidamada Puntland Ka Qabsadeen Kooxda Daacish Tageero Ka Haystay.

Madaxweynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas Waxaa Uu ka Hadlay Socdaalkiisa Degmada Qandala Oo Uu Sheegay inay Tahay U Kuur Galida Xaalada Degmada.

Waxaana Uu Socdaal Ku Maray Guud Ahaan Degmada Qandala Amaankeeda Wakhtigani oo uu sheegay inay tahay mid laysku Halayn Karayo.“

Madaxweyne Gaas Ayaa Ku Dhawaaqay Inay Xarunta Ciidamada Bada puntland Noqon Doonto Dadkaasina Aysan ka Walwali Karayn Amaankooda Iyo Inay Kooxda kusoo noqoto Halkaasi.

Madaxweynaha Ayaa Mid Mid Ula Kulmay Saraakiisha Ayaanka Qandala Oo Dhawaan Ka Qabsaday Kooxda uuna Balan Qaaday Abaal Marin In Lasiinayo.

Halkan Riix Ka Dhagayso

TOP NEWS: Kala Jeedashada Xildhibaanada oo Muqdisho ka socoto+Xidig oo qarka u saaran guul..

Magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya ayaa waxaa laga dareemayaa Diyaargaroow Balaaran oo ku aadan Doorashada Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya.

Maalinta Bari oo Ku Beegan Arbaco 11-1-2017 Ayaa lagu wadaa in Xarunta Golaha Shacabka ee Muqdisho ay ka dhacdo Doorashda Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya iyo ku Xigeenadiisa.

ilaa iyo iminka Waxaa Doorashadaasi ugu Cad Cad Labo Musharax oo loo Badinayo in uu Mid kamid ah Noqdo Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya.

Labadaasi Musharax ayaa waxa ay Kala yihiin Gudoomiyihii hore ee Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sh.Cismaan Jawaari iyo Cabdi Rashiid Maxamed Xidig Wasiiru Dowlaha Xukuumadii Waqtigeeda uu Dhamaaday ee Soomaaliya.

Muqdisho Waxaa ka socoto kala Jeedashada Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya uu Musharax kastaa uu Kulamo Gaar ah La Qaadanayo.

Dad Badan Ayaa saadaalinaya in Jawaari Laga Yaabo in uu markale Soo laabto Halka Kuwo Kalena ay u Saadaalinayaan Xidig iyadoo uu xidig muujiyay bsidoo kale kalsoonida uu ku qabo in uu qabto jagada gudoomiyaha baarlamaanka ee dowlada dhexe ee Soomaaliya

Maxaa sababay cabsida laga qabo banaanabaxyada Waawayn oo maanta Garoowe is qabsan Doono

Magaalada Garoowe Ee Caasimada Puntland ayaa manata waxaa ka dhcayo Dibad baxyo Balaaran kuwaasi oo looga soo Horjeedo Sicir Bararka.

Qiimaha Dollarka Ayaa sare u kac balaaran laga dareemaa waxaana Hoos u dhac baahsan ku jiro Lacagta Shilinka Soomaliga,

Dibad Baxaan ayaa waxaa Soo abaabulay Ganacsanatada Magaalada Garoowe iyo Qeeybaha kala duwan ee Bulshada Ku Dhaqan magaalada Garoowe.

Arintaan ayaa Saameeyn Xoogan waxa ay ku Yeelatay  Bulshada ku Dhaqan Deegaanada Puntland kuwaasi oo Qaati ka taagan Qimo Sare oo Dollarka ah iyo qiimo Dhaca Shilin Soomaaliga.

XOGTASHACABKA24.COM WAXAY IDIIN SOO GUDBINI DOONTAA ARRIMAHA RASMIGA AH EE LA XIDHIIDHA ARINTAN INSHA ALLAH ISHA KU HAY..

Cabdikariin Guuleed oo Dag Dag uga hadlay go’aankii Xilka qaadistiisa

 

Daqiiqado Kadib Markii qaarkamid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Galmudug kulan ay ku yeesha Cadaado Kalsoonidii laga laabatay Madaxwayanha Maamulkaas Cabdikariin Guuleed, ayaa waxaa durba ka hadlay talaabadaasi Madaxweynaha Xilka laga qaaday.

Cabdikariin Xuseen Guuleed ayaa waxaa uu sheegay isagoo ka hadlayay Kulankii Maanta ee Xildhibaanada Galmudug Xilka Uga qaadeen in uusanAqabali doonin Go’aanka Xildhibaanada Galmudug islamarkaana uusan aqoonsaneen,

“kulankastaa oo ay yeshaan Xildhibaanada Carqalada iyo Xiisada siyaasadeed Cadaado kawada iyo go’aan kastaa oo ay gaaraan ma ahan mid aan aqoonsan doono oo waan ka soo horjeedaa ayuu yiri Mr Guuleed”.

Mudooyinka waxaa jira Xiisad Siyaasadeed oo kacsan oo u dhaxeysan Madaxda Maamulka Galmudug iyo Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Glamudg kuwaas oo ka soo horjeeda Hogaanka Maamulkaasi.

.

Nagala Soo Xiriir

xogta247@gmail.com

Readers Comments (0)






WARARKII HORE

DAG DAG DAAWO: Dab kale oo goordhow ka bilowday Suuqa Bakaaraha iyo Warar sheegaya in.

February 27, 2017
War hadda soo dhacay ayaa sheegaya in dab dib uga kacay suuqa bakaaraha la soo wariyay iyadoo gaadiidka ...

Madaxweyne Farmaajo oo laga hor istaagay inuu booqdo Suuqa Bakaaraha iyo Nabad sugida oo heshay in la qorsheeyay

February 27, 2017
Warar naga soo gaaray madaxtooyada Soomaaliya ayaa sheegaya in madaxwayne Maxamed Cabdullahi Farmaajo laga hor istaagay inuu booqasho ...

DHAGAYSO: DFS Oo Ammar Dag-dag ah Siiyay Maamulka Somaliland kadib markii…

February 27, 2017
Xildhibaan Sakariye  Maxamed Xaaji Cabdi oo ka mid ah xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya oo la hadlay Warbaahinta ayaa ugu ...

PuntLand oo Halis ugu jirta Afgambi iyo CabdiRaxmaan Faroole oo Siyaasad xoogan la ciyaaraya Madaxweynaha…

February 27, 2017
Ciidamo qabiil ayaa maanta Xanibaad ku soo rogay xarunta Barlamaanka Puntland ee Garoowe xili uu cidlo ahaa oo ...

SAWIRO: Qarax Xoogan oo goordhow ka dhacay Magaalada Muqdisho iyo Khasaaraha ka dhashay oo…?

February 27, 2017
Wararka inaga soo gaaray Isgoyska Ex Control Afgooye ayaa waxa ay sheegayan in goor dhow halkaasi uu ka ...

DHAGAYSO: Odawaa iyo Amb Ameeriko oo kamid noqon doona Xukudda Ra’iisulwasaare Khayre iyo Beelaha heli doon..

February 27, 2017
Ra’isul wasaaraha cusub ee Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa wadatashiyo la leh xildhibaanada si uu u waydiisto codka ...

Madaxwaynaha DF oo bog cusub ufuray Soomaaliya isagoo noqday Madaxwaynihii ugu horeeyay ee Xadhiidh la yeesha…

February 27, 2017
Dowlada Cusub ee Soomaaliya ayaa si wayn u adkaynaysa xadhiidhka ay la leedahay dalalka carabta iyadoo madaxwayne Maxamed ...

WAR DAG DAG AH: Dagaal culus oo caawa ka socda Boosaaso (Yuu u dhexeeyaa?)

February 26, 2017
Wararka caawa ka imaanaya Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari ayaa waxaa ay sheegayaan in Dagaal culus uu ...

DAAWO: Sheekh si kulul uga hadlay xadhiga coldoon kuna tilmaamay S/land dowlad fashilantay..

February 26, 2017
Sheekh aadan Siiro oo ah sheekh caan ah oo Soomaaliyeed ayaa wuxuu si kulul uga hadlay xadhiga wariye ...

DAAWO: Madaxwayne Farmaajo oo dadka soo xasuusiyay Xiligii Kacaanka “Ciqaabtan ayuu mari doonaa Masuulkii”

February 26, 2017
Madaxwaynaha Dowlada dhexe Soomaaliya ayaa sheegay inay qasab tahay in lasoo celiyo nidaamkii xiligii kacaanka kaas oo dadka ...