Friday, July 21st, 2017
.

DEG DEG:Puntland,Jubbalan Iyo mowqif ka qaatay Doorashada Gudoomiye jawaari..

Published on January 11, 2017 by   ·   No Comments

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Jubbaland ee Soomaaliya mudane Axmed Maxamed Islaam oo uu dhinac fadhiyo ku xigeenkiisa labaad cabdiqaadir Xaaji Maxamuud ayaa u hambalyeeyay Gudoomiyaha Cusub ee Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari.

Madaxweynuhu wuxuu xusay in shaqo wanaagsan oo dhinaca nidaamka dowliga ah ay qabteen xildhibaanada Cusub taas oo Soomaaliyada Cusub ku hagaysa wadada Dowladnimada.

Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam ayaa sheegay in Gudoomiye Jawaari uu yahay nin Aqoon leh waxbadana kala socda Siyaasada Soomaaliya hagi karana Baarlamaanka 10aad ee Soomaaliya.

Madaxweynahu waxaa kale oo uu sheegay in sidaas si lamid ah looga baahan yahay Aqalka Sare in ay doortan dad wax gal ah oo la jaanqaadi kara Siyaasada Dalka.

Sidoo kale Madaxweynayaasha Dowlad Gobaleedyada Galmudug iyo Hirshabeelle ayaa Guddoomiyaha dib loo soo doortay u rajeeyay Guul iyo hormar Afarta Sano ee soo socota ee uu hoggaamin doono Golaha Shacabka.

Maxamed Sheekh Cusmaan jawaari oo helay 141-cod Doorashadii maanta ka dhacday magaalada Muqdisho ayaa wuxuu noqday Guddoomiyihii ugu horeeyay ee Baarlamaanka Soomaaliya oo labo mar oo isku xigta la doorto.

.

Nagala Soo Xiriir

xogta247@gmail.com

Readers Comments (0)




WARARKA MAANTA

DAG DAG: MD Gaas oo isugu yeedhay dhamaan isimada maxaa soo kordhay ogow sabata…

July 21, 2017
Garowe (Puntlandnews) Madaxweynaha dowladda Puntland ayaa 25-ka bishaan Julay shir  deg deg ah isugu yeeray dhammaan Isimada Puntland, si ...

XOGO CUSUB: 10 arrimood oo layaab leh ka ogow MD farmaajo iyo RW Khayre..

July 21, 2017
Madaxwaynaha dowlada federalka ah ee Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdulaahi (Farmaajo) ayaa waxaanu idiin soo bandhigaynaa ilaa 5 arimood ...

DAAWO: Waa maxay Qodobada ay Erdogan soomaaidu ku jeclaadeen..?

July 21, 2017
Madaxweynaha dalka Turkey Rajep Dayib Erdogan waxaa uu kamid yahay madaxda caalamka ugu magaca iyo awooda badan.   Erdogan oo ...

DAAWOQISO: Nin God bakayle qoday oo arrin cajiib ah kala kulmay…

July 21, 2017
Nin ku noolaa dalka Ingiriiska ayaa wuxuu qoday god bakayle oo ku yaalay gurigiisa gadaashiisa sababo la xidhiidha ...

War ka farxiyay dhamaan Soomaalida oo sheegay in lasoo celinayo…(DHAGAYSO)

July 20, 2017
Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullahi Salaad ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay waddo ...

DAG DAG: Galmudug iyo ehelusuna oo ku dagaalamay xeraale..

July 20, 2017
Dagaal u dhaxeeya malleeshiyaad kala taabacsan maamullada Galmudug iyo Ahlu-sunna ayaa ka soconaya degaanka Xeraale ee gobolka Galgaduud. Inta ...

Wararkii u danbeeyay ee Cabdiwali gaas oo shir xaasaasi ah la yeeshay Wasiiro la caydhiyay….

July 19, 2017
Madaxwaynaha maamulka Puntland Cabdiwali Maxamed Cali (Gaas) ayaa maanta la kulmay Golihii wasiirada Puntland ee xasaanada laga qaaday. Kulanka uu ...

DHAGAYSO: Galmudug oo war cusub ka soo saartay Qorshaha ciidamada isku dhafka…

July 19, 2017
Maamulka Galmudug ayaa markii horaysay ka hadlay qorshaha isku-dhafka ciidamada Galmudug iyo kuwa Puntland oo dhawaan tababar loogu ...

DAAWO MUUQAALKA: Wadaadka Daacish ee Somalia Sheekh Cabdiqaadir Muumin oo gacanta kula jira Qorshe Halis ah iyo Somalia oo looga cabsi qabo in..

July 19, 2017
Wadaadka caanka ah ee hogaamiya Daacishta Soomaaliya Sheekh Cabdiqaadir Muumin ayaa la hadal hayaa inuu ka soo muuqdo ...

DHAGEYSO: Wasiirka amniga DFS oo xaqiijiyay in ciidamo gaar ah lagu wareejinayo Muqdisho..

July 18, 2017
Wasiirka Wasaaradda Amniga dowladda Soomaaliya mudane Maxamed Abuukar Islow ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay diyaarinayso ciidamo gaar ...