Wednesday, April 26th, 2017
.

4 Qodob oo sababi kara in uu Xidig ku guulaysto Xilka G/baarlamaanka Soomaaliya…

,
Published on January 11, 2017 by   ·   No Comments

Doorashada Gudoomiyaha barlamaanka Soomaaliya ayaa maanta ka dhacaysa magaalada Muqdisho iyadoo musharaxiinta ugu cad cad kursigaan ay kala yihiin Xildhibaan Xidig iyo Prof Jawaari.

Hadaba Shabakada Wararka Siyaasada ee xogtashacabka24.com ayaa halkan idiinku soo gudbineysa shan sabab oo Xidig ku hogaamin karta inuu noqdo gudoomiyaha barlamaanka Soomaaliya.

1 – Ruug cadaanimada Xidig: Musharaxa Xidig ayaa ah Ruug cadaa siyaasi ah isla markaasna mudo badan kusoo dhex jiray siyaasada Soomaaliya xidhiidh fiicana la leh maamul goboleedyo Soomaaliya ah iyo beesha caalamka.

2- Musharixiinta beesha raxanwayn oo tiro badan: Waxaa ka sharaxan beesha raxanwayn musharixiin dhowr ah taasina waxay sahli kartaa in ay kala jabaan isla markaasna uu meel cidlo ah ka qaato kursiga musharaxa Xidig. Dhanka kale Shariif Xasan Sh Aadan ayaa la fahansan yahay inuu ka danbayay in Xidig uu isku soo sharaxo gudoomiyaha barlamaanka si uu fursad ugu helo inuu isku soo sharaxo xilka madaxwaynaha isagoo samaysanaya xulufo cusub.

Arintan ayaa ka dhigeysa in Xildhibaanada laga soo doortay Koofur Galbeed ay boqolkiiba 70 taageersan yihiin siyaasada Shariif Xasan ayna ucodayn doonaan in Xidig loo doorto gudoomiyaha barlamaanka.

3- Kuraasta Waqooyiga Soomaaliya: Madaxwaynaha dowlada Soomaaliya Xasan Sheekh iyo RW CC ayaa la fahansan yahay inay taageerada ugu badan ka haystaan xubnaha gobollada Waqooyi SoomaaliLand kasoo jeeda.

Si kastaba, Xubnahan ayaa ku biiri doona isbahaysiga beesha Daarood looga saarayo inay utartanto xilka madaxweynaha Soomaaliya iyagoo udooran doona Xidig afhayeenka golaha Shacabka.

4 – Taageerada Beesha caalamka: Xidig ayaa wuxuu taageero ka haystaa wadamada dariska iyo qar kamid ah beesha caalamka  oo la rumaysan yahay inay taageero xoogan siinayaan musharaxa musharaxan kasoo jeeda Jubbooyinka iyadoo ay musharixiintu tageero kawada haystaan wadamadaasi.

NB: Xidig oo si wayn ugu soo dagaalamay wakhtigii uu buuqu ka jiray Jubbaland ayaa wuxuu si wayn ugu soo caan baxay in uu garab istaagay maamulka Jubbaland taasi oo sababtay in uu taageero wayn ka helo dhanka shacabka reer Jubbaland.

Si kastaba ha ahaatee waxay shabakada xogtashacabka24.com isha ku haysaa si daqiiq ahna idiinku soo gudbini marba halka ay wax marayaan..

HALKAN RIIX OO DAAWO MUUQAALKA

 

.

Nagala Soo Xiriir

xogta247@gmail.com

Readers Comments (0)



ADS

WARARKII HORE

DEG DEG: Al-Shabaab oo goor dhow isaga baxaya deegaan Muhiim ah…(Waa maxay sababtu?)

April 26, 2017
Wararka inaga soo gaaray Gobolka Jubbada Hoose waxaa ay sheegayaan in Al-Shabaab laga qabsaday Deegaan Muhiim ah. Deegaanka Al-Shabaab ...

DAG DAG: Turkiga oo xabsiyada dhigay in ka badan 100 oo lagu eedeeyay ku lug lahaanshaha Afgambi…(Akhriso)

April 26, 2017
Dalka Trukiga ayaa Xabsiga u taxaabay habeenimadii Xalay boqolaal reer Turki ah oo lala xidhiidhinayo in ay ku ...

Xaasaska Saraakiisha Al-Shabaab iyo Carruurtooda oo Amar Deg deg ah la dul dhigay

April 26, 2017
Taliska Booliska Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa Maanta waxaa uu soo saaray Amar ku socda Xaasaska iyo Carruurta ay ...

Akhriso Mooshinka: Golaha Shacabka Oo Heshiiska Ciidamada Ku Timaamay Firkad Shishiiye, Kuna Taliyay 7 Qodob…

April 26, 2017
Golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya oo dood ka yeeshay mooshin ay soo gudbiyeen guddiga difaaca ...

XOG XASAASI AH: RW Khayre oo deg deg loogu yeedhay iyo Baarlamaanka dowlada dhexe oo ku dhagan…

April 26, 2017
Guddoonka sare ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa u kulan gaar ah ugu yeeray Raisulwasaare Khayre kulankaas oo ka dhici ...

Warar dheeraad ah oo kasoo baxaya Duqayntii Turkigu ka sameeyay dalalka…

April 25, 2017
Weerarkii duqaynta ahaa ee ay diyaaradaha dagaalka ee dalka Turkigu ka gaysteen Mucaaradka Kurdiyiinta ee ku kala sugan ...

Duqayn ka Dhacday Qaybo ka Mid ah Gedo…

April 25, 2017
Wararka naga soo gaadhaya gobolka Gedo ayaa wuxuu sheegayaa in duqayn xoogan ay oo dhowr gantaal loo adeegsaday ...

DAG DAG: Guddiga Difaaca Baarlamaanka Federalka ah oo Diiday Qorshaha Dhismaha Ciidanka

April 25, 2017
Guddiga difaaca ee baarlamanka Soomaaliya ayaa kasoo horjeestay qorshaha dhismaha ciidamada qaran ee Soomaaliya ee dhowaan ay isku ...

DAG DAG: Xaafada Islii oo uu ka socdo loolankii ugu adkaa MP Yusuf Hassan oo la sheegay in uu….(MUST WATCH)

April 25, 2017
Xaafada Islii ee magaalada Nairobi ayaa waxaa maanta ka socday ol-olihii ugu cuslaa iyadoo maalinta bari ah ay ...

Liiska Lix Wasiir oo isha ay ku hayaan howshooda Madaxwayne Farmaajo iyo Ra’iisulWasaare Khayre (Akhriso)..

April 25, 2017
Dowladda Soomaaliya ayaa dadaal xoogan ugu jirta iney iska ilaaliso masuq maasuqa haraadiyay Soomaaliya sanadihii ugu dambeeyay. Ilo Wareedyo ...